Dagaal ka socda degmada Walanweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose

by admin | Saturday, May 22, 2021 | 274 views

Wararka naga soo gaaraya degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayan in xaafad kamid ah degmadaas uu ka socdo dagaal xoogan oo u dhaxeeya Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmadaas.

Dagaalka oo ka bilaawday Xaafada Muuri ee degmada Walanweyn ayaa waxaa warraka la helayo ay sheegaan in uu u dhaxeeyo Ciidamo ay kala wataan guddoomiyaha degmada Walanweyn iyo kuxigeenkiisa dhinaca Arrimaha Bulshada.

Khilafka mas’uuliyiinta degmada Walanweyn u dhaxeeya ee sababay inay dagaalamaan ayaa waxaa la sheegay in uu salka ku haayo awood dhinaca Maamulka ah oo ay dhowr jer isku qabsadeen.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in uu jiro khasaaro dhaawac ah oo ka dhashay dagaalka, waxaana weli Xaafada Muuri ee degmada Walanweyn laga maqlayaa rasaasta ay isku adeegsanayaan labada dhinac.

Like it? Share it!

Leave A Response