Dagaal u dhaxeeya Ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab oo ka socda Bakool

by admin | Saturday, Jun 6, 2020 | 411 views

Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool ayaa waxa ay sheegayaan in dagaal xooggan oo u dhaxeeya Ciidanka dowladda iyo Ururka Al-Shabaab uu ka socdo degaanka lagu Magacaabo Abal oo 20KM dhanka bari kaga beegan degmada Xudur.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii xubno  ka mid ah Al-Shabaab ay soo weerareen Ciidamo dowladda ka tirsan iyo sidoo kale kuwo taageersan Sheekh Mukhtaar Roobow oo degaankaasi ku sugnaa dhowrkii sano ee lasoo dhaafay.

Dagaalka ayaa ah Mid xooggan, waxaana Ciidanka dowladda Guutadda 9-aad ay dagaal xooggan kula jiran Shabaab weerarka soo qaaday.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay labadda dhinac , laakiin dadka degaanka ayaa xaqiiyay in Al-Shabaab ay gacanta ku hayaan degaanka Abal.

Deegaankaan ayaa horay  fadhiisin u ahaa Wadaadka Xabsiga guriga ah ee Muqtaar Roobow, oo Dowladda Soomaaliya ay ka soo xirtay Magaalada Baydhabo xilli uu ka Mid ahaa Musharixiinta u taagnaa Xilka Madaxtinimada Koonfur Galbeed dhamaadkii 2018.

Like it? Share it!

Leave A Response