Dagaal u dhaxeeya Maleeshiyo beeleed oo ka socda Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

by admin | Friday, Mar 29, 2024 | 29 views

Dagaal beeleed sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa ka socda Degmada Diinsoor Gobolka Baay Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan oo la hadlay warbaahinta  dagaalkaan waxa uu u dhaxeeya maleeshiyaad maalmihii u dambeeyay is hor fadhiyay.

Goobjoogayaal ayaa kusoo warramay in dagaalkaan u dhaxeeya labada Maleeshiyo beeleed in uu yimid kaddib markii waan-waan lagu xalinayo dagaalkooda ay ka billaabatay Magaalada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Odoyaasha dhaqanka labada beel ee Maleeshiyaadkoodu dagaalamayo ayaa ku ballamay in ay kulan degdeg ah isugu yimaadaan si marka hore loo dhaliyo xabbad-joojin isla markaana la kala hor qaado maleeshiyaadkaas hubaysan.

Ciidamo katirsan Howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS oo ku sugan Magaalada Diinsoor ayaa la sheegay in ay dhankooda wadaa dedaal ay ku dhalinayaan xabbad-joojin si ciidamo loo kala dhex-dhigo maleeshiyaadkaan hubaysan ee dagaalamaya.

Mas’uuliyiinta Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed iyo kuwa xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ee kasoo jeeda Degmada Diinsoor ayaa dhankooda wada dedaallo xooggan oo ay ku raadinayaan xabbad-joojin iyo waan-waan lagu soo afjarayo dagaalka.

Like it? Share it!

Leave A Response