Dagaal Xoogan Oo Mar Kale Ka Qarxay Degaan Ka Tirsan Galgaduud

by admin | Tuesday, Feb 2, 2021 | 355 views

Wararka aan ka heleyno deegaanka Xananbuure ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saakay mar kale uu ka qarxay dagaal xoogan oo u dhexeeya laba maleeshiyo beeleed oo wada dega.

Dagaalka oo labadii maalin ee lasoo dhaafay ka socday deegaanka ayaa gelinkii dambe ee shalay istaagay, balse saakay ayuu mar kale dib u qarxay dagaal maleeshiyo beeleedka ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Dagaalkan uu salka ku haayo arrimo la xiriira dhul-daaqsimeed iyo dilal aano beeleed ah oo horey uga dhacay Xananbuure ee Galgaduud, waxaana dagaalka uu maanta galay maalintii saddexaad.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo kala gaaray ayaa ka dhashay dagaalka, waxaana la xaqiijiyay in dagaaladii dhacay ay ku dhinteen in ka badan 6 qof, halka tiro intaas ka badan ay dhaawacyo soo gaareen.

Dadka deegaanka ayaa ku warramay in la maqlayo dhawaqa rasaas iyo hubka culus oo labada dhinac ay isku adeegsanayaan, isla markaana aysan weli jirin cid kala dhex gashay, hayeeshee ay socdaan dadaalo kala duwan oo lagu joojinayo Colaada.

Deegaanka Xananbuure ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa horey uga dhacay dagaalo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo dhexmaray maleeshiyo beeleedyo halkaas wada dega, waxaana Galmudug sanadihii ugu dambeeyay ka dhacayay deegaanadeeda dagaal beeleedyo, wallow qaarkood xal laga gaaray.

Like it? Share it!

Leave A Response