DEG DEG: Madaxweyne Cali Mahdi oo geeriyooday

by admin | Wednesday, Mar 10, 2021 | 384 views

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed ayaa goordhow ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sida ay xubno ka mid ah qoyskiisa iyo ilo-wareedyo kale u xaqiijiyeen warbaahinta .
Wararka ayaa sheegaya in Cali Mahdi Maxamed uu maalmihii ugu dambeeyey ku xanuunsanaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya .
Cali Mahdi Maxamed waxa uu Soomaaliya madaxweyne ka noqday 26-kii Janaayo 1991-kii, markii xukunka laga tuuray Maxamed Siyaad Barre, wuxuuna xilkaas si rasmi ah u hayey illaa 3-dii Janaayo ee 1997-kii, inkasta oo muddadaas ay dalka hareeyeen dagaalo sokeeyey, oo aanu maamulkiisa shaqeyn.
Cali Mahdi Maxamed waxa uu 1-dii Janaayo 1999-kii ku dhashay magaalada Jowhar ee xarunta gooblka Shabeellaha Dhexe. Waxa uu ahaa 82 jir.

Like it? Share it!

Leave A Response