DEG DEG:- Saxaafadda oo banaanka looga saaray kulanka Deni & Xildhibaannada

by admin | Saturday, Apr 17, 2021 | 299 views

Kulan ayaa Magaalada Garoowe waxaa uu uga furmay Xildhibaannada Dowlad Goboleedka Puntland iyo Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Derni, kaas oo looga hadlayo Arrimo dhowr ah.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Cabdisamad Abwaanka oo kulanka furay ayaa ku wargeliyay Bahda Saxaafadda iyo Howl-wadeenada Xafiiska Madaxweynaha inay kulanka banaanka uga baxaan.

Guddoomiyaha waxaa uu sheegay in Kulan gaar ah oo wadatashi ay yeelnayaan Xildhibaannada iyo Madaxweynaha Puntland, sidaaas daraadeedna Wariyeyaasha ay banaanka uga baxaan Kulanka.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa la filayaa in uu kulanka ka jeediyo khudbad uu kaga hadlayo xaalada siyaasadeed ee dalka iyo kulmadii fashilmay ee uu uga qeyb galay Magalada muqdisho.

Amniga Xarunta Baarlamaanka Puntland ayaa aad loo adkeeyay, waxaana Ciidamo farabadan la dhigay Wadooyinka gala iyo kuwa ka baxa Xarunta Baarlamaanka Puntland ee magaalada Garoowe.

Like it? Share it!

Leave A Response