deg deg:Qarax lagu dilay Gudoomiyihii degaanka Garasbaaley.

by admin | Friday, May 21, 2021 | 314 views

Gudoomiyihii deegaanka Garasbaaleey Cabdiraxmaan Garyare iyo laba ka mida ilaaladiisa ayaa ku dhintay qarax lala eegtay gaarigiisa.

Gudoomiyaha ayaa ka soo baxay Salaadda Jimcaha oo dadka uu kula dukaday Masjid ku yaala deegaanka Garas-baaley.

Afar bil ka hor Gudoomiye ku xigeenkiisa iyo gudoomiyii dhalinyarada ayaa lagu dilay Qarax lagula eegtay isla Garasbaaley.

Garyare ayaa ka mid ahaa aasaasayaasha degaanka Garasbaaley waxaana uu gudoomiye ka ahaa sanado badan.

Like it? Share it!

Leave A Response