Dekadda Boosaaso oo maanta xiran kaddib canshuur kordhin ay sameysay shirkadda Imaaraadka ee DP-world

by admin | Thursday, Jul 6, 2023 | 114 views

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee Caasimadda gobolka Bare ee maamulka Puntland ayaa sheegay in Dekedda Boosaaso ay maanta shaqaynayn kaddib markii ganacsatada wax kala soo degta dekaddaas lagu kordhiyay canshuurta.

Wararka ayaa sheegaya in shirkadda Imaaraadka ee DP-world ee gacanta ku haysa Dekadda Boosaaso ay cashuurta ku kordhisey badeecadaha ka soo dega dekadda, taasi oo ay ganacsatadu Gobolka Bari ay ka biyo diideen.

Dowlad Gobaleedka Puntland iyo Maamulka Gobolka Beri ayaan weli ka hadlin shaqo joojinta ay ku dhawaaqeen ganacsatada wax kala soo degta dekadda Magaalada Boosaaso oo ah dekadda ay imbadan wax kala soo degaan dadka ku dhaqan deegaannada Puntland.

Shirkadda gacanta ku haysa dekadda ee DP-world oo weli wax muuqda ka qaban marsada ay sannadaha badan gacanta ku hayso ayaa marar kala duwan samaysay cashuur kordhin, iyada oo xataa lacag lagu soo rogey mar xammaaliga muqumaalka ka ah dekedda.

Tan ayaa imaanaysa iyada oo maalinadmii shalay  qaar ka mid ah Golaha deegaanka ee degmada Boosaaso, Nabadoono, dhalinyaro iyo howlwadeennada ballaarinta Dekadda Boosaaso ay booqdeen Dekadda Boosaaso oo ay ka socoto ballaarin dhan 150M oo dherer ah iyo 40M  oo ballac ah.

Like it? Share it!

Leave A Response