Hoggaamiyihii Wagner ee khal khalka galiyay Putin oo la shaaciyay halka uu joogo

by admin | Thursday, Jul 6, 2023 | 181 views

Hoggaamiyaha kooxda calooshood u shaqeestayaasha Wagner Yevgeny Prigozhin ayaa isbuucyadii u dambeeyay warkiisa la waayay, waxaana horey usoo baxay warar sheegayay in uu joogo dalka Belarus.

Yevgeny Prigozhin ayaa markii ugu dambeesay lagu arkay gudaha xilligii ciidankiisa wadeen gadoodka, waxaama xilligaasi waxii ka dambeeyay la waayay warkiisa iyo halka uu jaan iyo cirib dhigay.

Madaxweynaha dalka Belarus Alexander Lukashenko oo sabab u ahaa in xiisadii ka jirtay Ruushka la qaboojiyo ayaa beeniyay in hoggaamiyaha Wagner uu dalkooda joogo, waxa uuna sheegay in ninkaasi uu ku sugan yahay gudaha dalka Ruushka.

Heshiiskii lagu soo afjarayay xiisadii ka dhalatay kacdoonkii kooxda Wagner ayaa horey u dhigayay in eedeymaha ka dhanka ah hoggaamiyaha Wagner , Prigozhin la laalo, loona oggolaado inuu u guuro dalka Belarus.

Like it? Share it!

Leave A Response