Guddiga doorashooyinka SOMALILAND ‘oo fasiray’ warqadda muranka dhalisay

by admin | Friday, Jul 7, 2023 | 177 views

Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa faah-faahin ka bixiyay warqad ay dhawaan maxkamadda sare u gudbiyeen, taasi oo la xiriirtay muranka doorashooyinka ee u dhaxeeya xukuumadda iyo mucaaradka.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland Mudane Muuse Xasan Yuusuf oo la hadlay BBC ayaa sheegay in ay maxkamadda sare ka dalbadeen fasiraad sharci oo la xiriirta xeerarka doorashooyinka.

Gudoomiye Muuse ayaa meesha ka saaray in awooddii ka guddi ahaan ee ka go’aan gaarista labada doorasho ee la isku haya tan soo horeynaysa ay ku wareejiyeen maxkamadda sare ee Somaliland.

“Warqadaasi waxay ka hadlaysay fasiraad sharci oo aanu qornay ka Komiishan ahaan oo aanu u gudbinay maxkamadda dastuuriga ah, fasiraadaa sharci oo salka ku haysa xaaladan aanu hada ku jirno ee doorashooyinka lanana sugayo in aanu waqti u samayno,” ayuu yiri guddoomiyaha doorashooyinka Somaliland.

Sidoo kale waxa uu ku dooday in markii la doortay ay soo saareen waqtiga ay ku qabsoomayso doorashada madaxtooyadu, laakiin intii waqtigaas lagu guda jiray ay wax badan is-badaleen.

“Waxaa soo baxay ururro cusub iyo in waqtigii uu ka dhacay xisbiyadii hore (Kulmiye, Waddani & Ucid), sidaas darteed waxaa fasiraad sharci uga baahanay maxkamadda,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiye Muuse Xasan Yuusuf.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in ka guddi ahaan ay ku dhawaaqi doknaan sida ay doorashooyinku u qabsoomayaan, kadib marka ay fasiraad sharci ka helaan maxkamadda.

“Awooddii aan u laheyn ka go’aan gaadhista waqtiga doorashooyinka dhacayaan uma aanu gudbin (wareejin) maxkamadda ee waxaa ka codsanay fasiraad sharci ah.”

Hadalkaan ayaa imanaya xilli xisbiyada mucaaradka ay meel adag iska taageen warqadda ay guddiga doorashooyinka u gudbiyeen maxkmadda sare, waxayna uga digeen maxkamadda in ay Somaliland ku rido god mugdi ah, xilli ay xaalad adag oo amni iyo siyaasadeed ka taagan tahay gudaha Somaliland.

Mucaaradka ayaa doonaya inay soo horreyso doorashada Madaxtooyada Somaliland, halka xukuumadda iyo xisbiga tallada haya iyo weliba ururrada cusub ee siyaasadda ay doonayaan inay soo horeyso doorashada ururrada.

Like it? Share it!

Leave A Response