KOOFI oo usoo jawaabay Xeer Ilaaliyaha Qaranka -“Waxaan u arkaa inuu yahay…”

by admin | Friday, Jul 7, 2023 | 86 views

Agaasimihii hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo haatan ku sugan dalka dibaddiisa ayaa usoo jawaabay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Suleymaan Maxamed Maxauud oo maanta shaaciyay liiska 18 qof oo uu ku jiro Korneel Koofi, loona haysto musuq-maasuq.

Xeer Ilaaliyaha oo maanta shir jaar’iid ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in Maxamed Aadan Koofi iyo sideed kale oo maqane ah loo haysto xatooyo xoolo dadweyne, ayna baxsad ka yihiin cadaaladda.

Agaasimihii hore ee Hay’adda Socdaalka oo ka jawaabay hadalkan ayaa shaaca ka qaaday in Xeer Ilaaliyaha uu dhibane yahay, islamarkaana aan loo madax banneyn shaqadiisa.

“Xeer ilaaliyaha, raalina ha iga ahaadee, waxaan u arkaa in uu yahey dhibbane aan shaqadiisa loo madax banneyn, waana dareemi karaa culeyska jira” ayuu yiri koofi.

Sidoo kale waxa uu ku dooday in dhammaan eedaha loo jeediyay ay yihiin kuwa lasoo dhoodhoobay, islamarkaana inta uu joogay hay’adda baaris lagu sameeyay dhowr mar.

Waxaa kale oo uu farriin u diray guud ahaan dadka Soomaaliyeed, isaga oo sheegay inuu ka raalli-gelinayo ‘aflagaada uu sheegay in maanta loo gaystay’.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka oo dhammeystiran:-

Dacasleey iyo Dowladnimo Maxaa Kala Heysta!

Hay’adda aan ka soo shaqeeyey;

1) Waajibaadkeeda kuma jirin qabasho dakhli ama wax lacag qabasho ah;

2) Sanad kasta, laba heer oo baaris Hanti-dhowr ah ayaa lagu sameynayey hay’adda (Hanti-dhowr guud iyo midka gudaha), mana jirin wax dayac ama xoolo maqan ah oo la sheegey;

3) Shaqada hay’adda waxaan qoraal ku wareejiyey sanado ka hor, waxaana marqaati aheyd dowladdii xilligaas, mana jirin hal shey oo ka dhunsanaa ama ka dayacnaa waajibkii la ii igmadey.

Ujeedada laga leeyahey hore ayaan uga hadley, hase ahaatee, dhareerka Eeyga, haddii uu ku gaaro, todobo jeer, ayaa la iska dhaqaa, wax kale oo dhib ahna ma lahan!

Xeer ilaaliyaha, raalina ha iga ahaadee, waxaan u arkaa in uu yahey dhibbane aan shaqadiisa loo madax banneyn, waana dareemi karaa culeyska jira.

Dhammaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan, taageereyaasheyda, waan ka raali gelinayaa, aflagaadada loo geystey maanta!

Ugu danbeyn, Imaam aad ogtahey in uusan wayso qabin, kuma qasbanid inaad Salaadda ku xirato.

 

Like it? Share it!

Leave A Response