DF oo sheegtay in Puntland ay iibisay xeryihii ciidanka Xoogga, kadibna ku dartay…

by admin | Wednesday, Aug 23, 2023 | 126 views

Hanti dhowraha guud ee qaranka, Axmed Ciise Guutaale ayaa maanta shir jaraa’id oo muhiim ah ku qabtay magaalada Muqdisho, kaas oo uu kaga hadlay arrimo xasaasi ah oo qaarkood taabanaya dowlad goboleedka Puntland.

Shirkan jaraa’id ayaa si gaar ah ugu saabsanaa hagaajinta maamulka guud ee dowladda, hubinta waafaqsanaanta shuruucda Somalia ee dhammaan heshiisyada u dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo shirkadaha shisheeye, fulinta talooyinka hantidhowrista ee kusoo baxay warbixinta hantidhowrka ee sanad maaliyadeedka dhammaan ee 2022-kii.

Ugu horeyn hanti dhowraha ayaa soo saaray awaamir ku socoo hay’adaha kala duwan ee dowladda, iyo kuwa aan dowliga aheyn isaga oo faray inay u hoggaansamaan shuruucda u taalla dalka ee ilaalinta hantida guud ee ka wada dhexeysa Ummadda Soomaaliyee

“Hay’adaha dowliga aheyn ee fuliya mashaariicda mid horumarineed iyo mid bani’aadanimo ee laga maal geliyo lacagta dowladda, ayna ku jirto lacagta deeq-bixiyeyaasha waxaa mas’uuliyadda lagula xisaabtamayaa sarkaalka idman ee hay’addaas. Dhammaan heshiisyada deeqaha hay’adaha dowladda, dowlad goboleedyada iyo hay’aha ganacsiga ee dowladda waa in laga diiwaan-geliyaa xafiiska hantidhworaha guud ee qaranka ee heer federaal iyo heerka xafiiska hantidhowrka ee dowlad goboleedyada” ayuu yiri Guutaale.

Sidoo kale hantidhowraha oo sii hadlaya ayaa shaaca ka qaaday in Puntland ay iibisay laba xero oo ay ciidamada Xoogga dalka ku laahayeen gobolka Mudug, isla-markaana waxa uu tilmaamay in lagu iibiyay lacag dhacan 20 Milyan oo lagu daray dhismaha dekeda Garacad.

“Dekedda Garacad asalka maal-gelinteeda waxaa qayb ka ah dakhli kasoo baxay xeryo kamid ah kuwii ciidanka Xoogga dalka ee gobolka Mudug,sida xeryah kabidda iyo siinaay oo dowlad goboleedka Soomaaliyeed Puntland ku iibisay lacag ku dhow 20 Milyan, kadibna ku dartay maal-gelinta mashruuca dhismaha dekedda Garacad” ayuu yiri Hantidhowruhu.

Axmed Ciise Guutaale ayaa xusay in hatidaas ay tahay hanti guud oo ay ka dhexeysa dadka Soomaaliyeed, maadaama ay xeryahaas ay kamid yihiin hantida dowladdii dhexe.

“Dakhligaas waa dakhli guud oo ay wada leeyihiin dadka Soomaaliyeed, maadaama ay xeryahaasi ka mid yihiin hantidii dowladdii dhexe, kahor qaadashada federaalka, sidaas oo kalena ay yihiin xeryihii ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed” ayuu mar kale sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Dhammaan hantida noocaas ah ee dowladda federaalka ah oo maanta ah laba heer ay ka dhaxashay dowladdii hore waa hanti guud oo u dhexeysa dadka Soomaaliyeed, waxaana mas’uul ka ah dowladda federaalka”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo horay ay Puntland xarigga uga jartay dekedda Garacad oo laga hirgeliyay xeebaha gobolka Mudug, waxaana ka qayb-galay madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Like it? Share it!

Leave A Response