DFS iyo QM oo ka wada hadlay u gurmashada dadka ay saameysay Abaarta

by admin | Thursday, Oct 27, 2022 | 257 views

Waxaa lagu wadaa in Gelinta dambe ee Maanta ah uu Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya uu shir uga furmo Golaha wadatashiga Qaran oo ka kooban Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir & Madaxda Shanta Dowlad Goboleed.

Magaalada Muqdisho waxaa ku sugan Madaxweynayaasha Dowlad Goboledyada, Hirshabelle, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Puntland, waxaana sidoo kale la filayaa in Maanta uu Muqdisho soo gaaro Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Shirka Madasha wadatashiga Qaran oo uu shir guddoomin doono Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa looga hadli doonaa dar dar galinta dagaalka ka dhanka ah Shabaab oo haatan ku kooban oo kaliya Hirshabelle, sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta DFS iyo maamulada, wax ka qaabshada arrimaha abaaraha iyo xalinta buuqa ka yimid arrimaha shidaalka.

Like it? Share it!

Leave A Response