DFS oo ku dhawaaqday qorsho lagu soo saarayo Soomaalida ku go’doonsan Ukraine

by admin | Tuesday, Mar 1, 2022 | 447 views

Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Serbia ayaa sheegtay in ay ku howlan tahay sidii loo samatabixin lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalka Ukraine isaga soo cararaya.

Safaaradda JFS ee Belgrade iyada oo fulineysa tacliimaadka Wasaaradda Arrimaha Dibadda JFS, waxaa ay dadaal xoog leh u gashay sidii adeeg Qunsuliyadeed loogu sameyn lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dagaalada Ukrain ka socda ay noloshoodu saameysay iyo sidii loo soo badbaadin lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayirnaa xuduuda u dhaxaysa Ukraine  iyo Poland ayaa lagu yiri” War kasoo baxay Safaaradda.

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Belgrade Serbia  ayaa shaacisay inay sharaf u tahay in ay u howlgashay, hubiseyna badqabka muwaadiniinta kala ah:

1. Mustafe Cabdul Daahir oo ah arday ka tegay Degamadda Gaalkacyo ee Gobalka Mudug.

2. Cabdullaahi Xuseen Mursal oo ahaa aday kana tegay Degamadda Waaberi ee Gobalka Banaadir.

3. Anwar Axmed Aadan oo ahaa muwaadin deganaa Caasimadda dalka Ukraine ee Kyiv, Anwar wuxuu ka tegay Degmadda Yaaqshiid ee Gobalka Banaadir.

Hadaba, si waafaqsan Sharciga Shaqada Dibadda, Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Belgrade waxaa ay sii laba jibaareysaa dadaalka wadaniga ah ee lagu samata bixinayo muwadiniinteena uu dagaalka Ukrain saameeyay ayaa lagu soo geba-gabeeyay Warka Safaaradda.

Dad badan oo Ajaanib ah oo Soomaali kamid tahay ayaa ku go’doonsan dalka Ukraine, kuwaas oo dagaalka uu saameeyay, waxaana socda qorsho dalkaasi looga soo saarayo

Like it? Share it!

Leave A Response