DFS oo UK kala hadleysa sii deynta Maxaabiis ku dhow 300 oo ruux.

by admin | Tuesday, Jan 3, 2023 | 168 views

Waalidiinta dhalay dhalinyaro ku xiran xabsiyo ku yaalla Dalka Ingiiriiska oo la kulmay Wasiirka Caddaaladda & Dastuurka XFS Xasan Macalim waxa ay ka dalbadeen in Dowladda UK uu kala hadlo sidii loosoo deyn lahaa ubadkooda.

Dhalinyarada xiran oo tiradooda lagu qiyaasay in ay ka badan yihiin 260 ruux ayaa ku eedeysan dambiyo kala duwan waxaana xiray Ciidamada Booliiska Britain si loogu ciqaabo dambiyadaas ay ku eedeysan yihiin.

Waalidiinta dhalinyaradaas ayaa isku dayay in ay Dowladda Ingiriiska u bandhigaan codsiyo la xiriira in lasoo daayo dhallaankooda balse uma suuragelin maadaama lagu wargeliyay in ay qaadanayaan muddada loogu talagalay in ay xirnaadaan.

Qaar kamid ah Waalidiinta dhalinyaradu ka xiran tahay ayaa la kulmay Wasiirka Caddaaladda & Dastuurka XFS Xasan Macalin oo tegay London iyaga oo u bandhigay in ka dowlad ahaan in arrintaan uu kala hadlo madaxda dalkaas.

Qunsulka Soomaaliya ee Britain, Dayib Maxamuud Sheekh Axmed ayaa sheegay in Wasiirka uu isku dayay in uu xabsiyada ku booqdo dhalinyaradaas balse fasaxa sanadka cusub awgii u suurageli waysay booqashadiisa.

Dayib ayaa tilmaamay in DFS ay ka go’an tahay in dhiggeeda Britain ay kala hadasho sida ugu macquulsan ee lagu soo deyn karo dhalinyaradaas dhalashada labaad ka heysata Ingiriiska ee qaarkood waqtiga fog xabsiyada ku jira.

Waalidiinta dhallinyarada ku heysata qurbaha ayaa welwel xooggan lasoo dersay kaddib markii ay kordheen isticmaalka walxaha maanka-dooriya, weerarada dhexdooda ay isu geystaan & dambiyada kala duwan ee ka dhaca dhalinyaradaas.

Like it? Share it!

Leave A Response