Dhageyso:-Gudoomiye Sufurow oo abaabul ka bilaabay furumaha dagaalka G/Hiiraan

by admin | Friday, Sep 1, 2023 | 101 views

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin Sufurow oo uu weheliyo wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista hawada Hirshabelle, Muuse Salaad wehliye iyo Masuuliyiin kale ayaa gaaray furumaha hore ee dagaalka lagula jiro Al-shabaab, si ay u dhiiri geliyaan Ciidamada dib-u-xoreynta deegaanka iyo kuwa Xoogga Dalka.

Guddoomiye Sufuroow ayaa markii uu gaaray deegaanka Oya-Mago oo ka tirsan gobolka Hiiraan waxuu ku amaanay ciidanka sida ay casharka ugu dhigeen Al-shabaab oo dhawaan uu sheegay iney isku dayeen iney weerar dhuumaalaysi ah ku qaadaan deegaankaasi.

Waxaa uu ballan qaaday in taageerada maamulka Gobolka Hiiraan ay joogto ahaan doonto, ciidanka dib u xoreynta deegaankana ay u diyaar garoobaan qabashada deegaannada kale ee Al-shabaab.

Deegaannada uu booqday gudoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Cabdulaahi Axmed Maalin Sufurow waxaa kamida Libileey, Oyomago, iyo Qandoolyaay oo dhamaantood katirsan Gobolkan Hiiraan

Guddoomiyaha gobolla Hiiraan Cabdulaahi Axmed Maalin Sufurow, ayaa wada isu-duba ridka iyo dhiirragelinta Ciidanka deegaanka iyo kuwa Xoogga dalka si loo bilaabo wajiga labaad ee howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response