Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka oo ‘min derajo’ ku abaalmariyay Ciidanka jooga Daarul-nicma Gobolka Shabeelaha Dhexe.

by admin | Friday, Sep 1, 2023 | 127 views

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxiyadiin ayaa min derajo ugu daray Ciidamada ku sugan Deegaanka Daarul-Nicma Gobolka Shabeelaha Dhexe Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle.

Sababta uu dalacsiintaas ugu sameeyay ayuu ku tilmaamay in ay u dhabar adeegeen howlgalka culus oo ay wadaan iyo go’aanka ay ku gaareen in ay sii joogaan deegaanka Daarul-Nicma oo kamid ah deegaannada Dowladdu ka qabsatay ‘AS’.

Taliye Ibraahim ayaa saraakiisha iyo ciidamada ku bogaadiyay is maqalka & in ay si wadajir ah uga wada qaybqaataan dagaallada ka dhanka ah ‘AS’ si loo dhaqangeliyo kala sarreynta derajada, iskaashiga dhexdooda ah iyo dhaqangelinta waxyaabaha lasoo baray.

“Waxa aan idin kugu hambalyeynayaa sida aad u kala dambeysiin oo aad isku maqashiin, marka ugu horreysa waxa aad tihiin ciidanka keliya ee isaga oo is wata si isku mid ah difaac ugu jira, nin weliba oo ciidanka katirsan waxaa dalacsiiyay min hal derajo, waad adkeysateen” ayuu yiri Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxiyadiin.

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka ayaa dhanka kale shaaciyay in uu jirayo kormeer joogta ah oo lagu sameynayo goobaha ay ka howlgalaan Ciidanka Dowladda, sidaas awgeed askar iyo saraakiil looga baahan yahay in ay gutaan waajibka saaran waa sida uu hadalka u dhigay.

Like it? Share it!

Leave A Response