Dhageyso:-laftagareen oo Amar siiyay laamaha Amniga Koonfur Galbeed

by admin | Sunday, Aug 23, 2020 | 372 views

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed laftaagreen ayaa ka hadlay weeraradii ugu dambeeyay ee ka dhacay degaannada Koonfur galbeed oo ay Al-Shabaab ka geysteen degaano ka tirsan koonfur Galbeed.

Waxaa uu sheegay in weerarada ka dhacay degaannada Deeynuunaay & Goof-gaduud ay ay yihiin kuwo soo laab laabtay oo keeni kara culeys farabadan oo dhanka Amniga ah, isla markaana loo baahan yahay in tallaabo la qaado.

Waxa uu faray Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed inay qaadaan tallaabooyin la xiriira dhanka Amniga iyo inay Al-Shabaab ka saaraan degaannada ay kaga sugan yihiin Koonfur Galbeed.

Hadalka Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed laftaagreen ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli laabdii todobaad ee la soo dhaafay weeraro ay mas’uuliyin k geeriyoodeen ay ka dhaceen degaano ka tirsan Gobolka Baay.

Like it? Share it!

Leave A Response