Dhalinyaro Canada ay u masaafurineyso in aysan ahayn Soomaali oo sheegay in dhibaato Maskaxeed lasoo deristay.

by admin | Friday, Nov 18, 2022 | 230 views

Dowladda Canada ayaa billawday in ay ku dhaqaaqdo qorshaha ay ku masaafurineyso ku dhawaad 400 oo Dhalinyaro Soomaali ah oo Dalkaas ku gashay Baasaboorka waddamada deriska la ah Soomaaliya.

Canada ayaa sheegtay in dhalinyaradaas aanay ahayn Soomaali maadaama ay ku galeen Baasaboorka waddamo kale sidaas awgeed ay ku qasban tahay in ay masaafuriso oo dib ugu celiso waddamada ay ku socdaaleen Baasaboorkooda.

Cabdullaahi Muuse oo kamid ah Dhalinyaradaas ayaa sheegay in Dowladda Canada ka dalbatay in ay caddeeyaan Soomaalinimadooda, qaar kamid ah Dhalinyaradaasna laga buuxiyay diiwaanka Dowladda u ogolaanaya in la tarxiilo.

“In muddo ah ayaa dedaalladaan soo wadnay waxaa dhalinyarada la marsiinayaa nidaamkii dib dalkooda loogu celin lahaa, dhammaan waa isku kiis, 400 oo Dhalinyaro weeye, waxa ay kusoo safreen Baasaboorka waddamada deriska maadaama dalka uu galay dagaal sokeeye, da’doodu waxa ay u dhaxeysaa 20 illaa 30 sano, waxa ay galeen isla hadal maskaxeed iyaga oo dhaqaatiirtooda u tagay si ay u qaataan dawooyin” Cabdullaahi Muuse.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Canada & mas’uuliyiinta xilalka Dowladda ka haya ayuu Cabdullaahi Muuse ugu baaqay in ay u istaagaan sidii ay uga hortagi lahaayeen in la masaafuriyo Dhalinyarada oo dhammaan isku kiis ah.

“Dhalinyaradaan talo ayaa faraha ka baxday oo waxa ay keliya rejo ka qabaan ilaahay xaggiisa & in ay wax u qabtaan Dad badan oo Soomaali ah oo dalkaan xilal ka haya, waxaa lagu heystaa Soomaali ma tihiin, qaar naga mid ah ayaa wata Baasaboor & Dukumiintiyo Soomaali ah” Ayuu yiri Cabdullaahi Muuse.

Canada ayaa ku dhawaaqday qorshaha ay dib ugu celineyso Dhalinyaradaan Soomaalida ah ee Dalkaas ku gashay Baasaboorka waddamada deriska ah, Dowladdu waxa ay ku doodeysaa in qorshaha soo gelistooda uu qaldamay sidaas awgeed ay masaafurinayaan.

Like it? Share it!

Leave A Response