Dhimasho & dhaawac ka dhashay Qarax lala eegtay mid kamid Gawaarida Wacyigelinta Covid-19.

by admin | Wednesday, Mar 10, 2021 | 544 views

Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir waxaa maanta ka dhacay Qarax loo dhigay Gaari nuuca Raaxada ah oo Dowladda Federaalka ay u adeegsato wacyigelinta Faafintaanka xannuunka Covid-19.

Inta la xaqiijiyay Wadahaha Gaariga ayaa dhintay, saddex kale dhaawac ayaa soo gaaray sida ay u xaqiijiyeen warbaahinta ilo kala duwan & mas’uuliyiin Dowladeed, waxaana sawirro laga soo qaaday Gaariga ka muuqday burbur xooggan & dhiigga dadka waxyeeladu gaartay.

Gawaaridaan ayaa ka howlgalla Degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana ku xiran cod-baahiyaal dadka gaarsiinaya in ay qaataan fariimaha looga hortagayo faafitaanka xannuunka Covid-19.

Howlwadeennada la socda Gawaarida ayaa dadka ku wargeliya in ay xirtaan marada afka & sanka Daboosha ee Face Mask, in Gacmaha la dhaqdo lana kala fogaado marka la joogo bulshada dhexdeeda.

Laamaha ammaanka Dowladda Federaalka & mas’uuliyiin katirsan Maamulka Degmada Kaaraan oo goobta tagay ayaa xiray waddooyinka ka dhaw goobta qaraxa uu ka dhacay si baaris dheeraad ah u sameeyaan.

Like it? Share it!

Leave A Response