Dhinacyadii ku dagaalamay tuulooyin hoostaga degmada Cadalle oo heshiis xabad joojin ah gaaray

by admin | Sunday, Nov 20, 2022 | 396 views

Kadib shir dib u heshiisiin ah oo maalmihii la soo dhaafay ka socday degmada Cadalle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa heshiis horudhac ah la kaal dehx-dhigay labadii maleeshiyo Beeleed eek u dagaalamay degaannada hoostaga degmada Cadalle.

Shirarka oo ay goobjoog ka ahaayeen Odayaasha Dhaanka labada Beeleed, Imaamka iyo Ugaaska Beesha Mudulood iyo mas;uuliyiin ka kala socday dowladda Soomaaliya iyo dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.

Guddoomiyaha degmada Cadalle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegay in dhibaato farabadan ay ka dhacday goobihii lagu dagaalamay, isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyay in heshiis rasmi ah laga gaaro colaada.

Wasiirka dib u heshiisiinta dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cabdullaahi Cadde oo Warbaahinta u akhriyay qodobada heshiiska horudhaca ah oo ay wada gaaren labada Beelood ayaa ku kala sheegay.

1: Inay xabad-joojn rasmi ah ku dhawaaqaan Odayaasha dhaqanka labada Beelood ee dagaalamay.

2: In maleeshiyaadkii labada dhinac ee dagaalamay si rasmi ah loo kala qaado.

3: In Odayaasha dhaqanka labada beelood ay ku dhawaaqaan inay guryahooda dib ugu soo laabtaan dadkii ka barakacay dagaaladii dhacay.

Dagaalladii ka dhacay degaannada hoostaga degmada Cadalle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyada oo sidoo kale la gubay guryo ay deganaayeen dad rayid ah.

Like it? Share it!

Leave A Response