Dib u dhiska waddooyinka Caasimadda matahay xalka lagu yareen karo Jaamka Magaalada?

by admin | Monday, Sep 18, 2023 | 107 views

Mudooyinkii udanbeyay magalada Muqdisho waxaa kobac xowli ah ku socda kaabayaasha dhaqaale iyo wadooyinka, iyada oo hadda dib loo dhisay qaar ka mid ah waddooyinka Caasimadda, kuwaas oo soo gala Magaalada iyo kuwa dhex mara oo udub dhaxaad u ah isusocodka dadkweynaha.

Muqdisho oo sannado badan la daristay jaam ka dhashay sawaxanka nuucyada kala duwan ee gaadiidka, burburka waddooyinka iyo qaar ka mid ah waddooyinka oo sababa amni loo xiray ayaa hadda muuqata mid ka soo baxaysa

Tan iyo markii Maayarka Muqdisho loo magacaabay Madaale waxaa isbadal xowli ah kusocday dib udhiska wadoyinka iyo qurxintooda oo uu ugu magac daray infinta caasimada kaas oo wadooyin badan oo magaalada dhex mara dib loo dhisay.

Qaar ka mid ah Bulshada Caasimadda oo aan la hadalnay ayaa wax ka waydiinay sida ay ula muuqato dib udhiska jidadka iyo waxa ay ka badali karaan ganacsiyada magaalada iyo gaadidka, waxa ay innoo sheegeen in ay soo dhaweenayaan dib u dhiskaan.

Dhallinyarada ka xaysa Mooto Bajaajta ayaa innoo sheegay in dib u dhiska waddooyinka ay xilligaan wax badan ka badaleen isusocodka dadweynaha, sidoo kale waxa ay maamulka Gobolka Banaadir ku amaaneen dib u dhiska ay ku sameeyeen waddada Taleex.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yusuuf Jicmaale Madaale ayaa dhagax dhigay waddooyinka kala ah; Taleex, Sheekh Cali Suufi, Kaxda, Buurka Ciisa Cabdi, Forlance, Oodweyne, Waddada isku xirta Suuq Bacaad iyo Janaraal Daa’uud, jidka mara suuqa deegaanka Garasbaaleey iyo waddada Cali Mahdi Maxamed ee Degmada Cabdicasiis.

Like it? Share it!

Leave A Response