Dilka CABAAS Maxamed Xaaji oo DF iyo Al-Shabaab ay laba si u kala dhigeen

by admin | Sunday, Apr 12, 2020 | 451 views

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in duqeyn ka dhacday degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Raadiyaha ciidamada ayaa sheegay in horjoogaha lagu dilay duqeyntan, oo ay fuliyeen diyaaradaha Mareykanka, lagu magacaabay Cabaas Maxamed Xaaji, islamarkaana uu horey usoo noqday horjoogihii Al-Shabaab u qaabilsanaa Buurdhuubo.

Saraakiil la tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Idaacada Ciidamada u sheegay in duqeynta lagu dilay Cabaas, ay sidoo kale ku dhinteen 9 xubnood oo kale oo Al-Shabaab ah.

Mareykanka ayaa sheegay in duqeyn ay ka fuliyeen Jubbada Hoose, lagu dilay xubno Shabaab ah, balse ma magacaabin cidna. Waxay sidoo kale sheegeen inaysan duqeynta wax ku noqon shacab.

Si kastaba, warbaahinta Al-Shabaab ayaa werisay in Cabaas, oo shalay la aasay, uusan ahayn Al-Shabaab, balse uu ahaa Suldaankii beesha Jareerweyne ee gobalada Jubbooyinka, sida ay hadalka u dhigeen.

Warbaahinta Shabaab ayaa sidoo kale kasoo xigatay qeybaha kala duwan ee bulshada beesha Jareerweyne ee Jubbooyinka inay dhalleeceeyeen dilka Cabaas oo ay ku qeexeen “fal dambiyeed.”

Ma jirto cid xaqiijin karta xaqiiqda waxa uu ahaa Cabaas, waana mid ka mid ah muranada ay xambaarsan yihiin duqeymaha Mareykanka ee ka dhaca Soomaaliya.

Waa suurta-gal in Cabaas ahaa shacab, sidoo kalena waa macquul inuu ahaa Shabaab, oo kooxda Al-Shabaab ay hadda isku dayeyso inay dilkiisa u weeciso si kale, si ay shacabka ugu kiciso. Way adag tahay in la xaqiijiyo.

Mareykanka iyo dowladda Soomaaliya ayaa horey u diiday eedeymaha la xiriira in duqeymaha qaar lagu dilo shacab. AFRICOM waxay sheegtay inay hayaan xog sirdoon oo dadka caadiga ah aysan ka war-hayn, taas oo macnaheedu yahay in dad shacab loo haysto ay ku ogyihiin ficillo kale.

Like it? Share it!

Leave A Response