Diyaargarowga Howlgal ka dhan ah ‘AS’ oo ka socda Degmada Baardheere Gobolka Gedo.

by admin | Sunday, Apr 30, 2023 | 144 views

Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo DG Jubbaland waxaa ka socda abaabulka howlgal ka dhan ah ‘AS’ kaddib markii la diyaariyay ciidamo deegaanka ah oo loo qorsheeyay in ay la howlgalaan kuwa Federaalka.

Mas’uuliyiin maamulka Degmada Baardheere ayaa sheegay in diyaargarowga socda ujeedkiisa uu yahay in ‘AS’ laga qabsado deegaannada hoostaga Degmadaas ay joogaan si looga hortago weerarada ay ku qaadaan saldhigyada iyo xarumaha Ciidanka.

Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo gaaray Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in howlgalladaan ay ka duwan yihiin kuwii horay maadaama la diyaariyay ciidamo u diyaarsan fulinta howlgalkaan.

“Howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ meelo kala duwan oo Gobollada Dalka ah ayuu ka billowday, howlgalka ka billaabanaya Koofur Galbeed & Jubbaland oo kaashanaya ciidamada Dowladaha deriska ah sida ku xusan heshiiska, marka waa in aad u diyaargarowdaan howlgalkaas” ayuu yiri Senator Fartaag.

Ciidamada tababarka qaatay ee uu la hadlay Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag waxa uu u sheegay in ujeedka loo tababaray aanay ahayn in ay dib ugu laabtaan guryahooda ama ay iska dhex joogaan Magaalada balse shaqo laga sugayo.

“La idiin ma tababarin in aad magaalada joogtaan ama guryihiina dhex joogtaan ee waa in aad dalka xorreysaan oo aad la dagaalantaan Khawaariijta oo ah cadawga Ummadda Soomaaliyeed, waa in aan ku tashanaa waxa aan heysano maadama ciidanka qaranka SNA ay diyaarsan yihiin iyaga oo qalabeysan oo waxa uu sugayaa howlgalka” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Senator Cabdullaahi Fartaag.

Degmada Baardheere waxa ay kamid tahay Degmooyin katirsan Gobolka Gedo oo lagu diyaariyay Ciidamada Dowladda Federaalka, Daraawiishta iyo Dadka deegaanka si ay ugu dhaqaaqaan howlgallada ka dhanka ah ‘AS’.

Like it? Share it!

Leave A Response