Qaar kamid ah Waddooyinka Muqdisho oo weli biyo fadhiyaan & Degmooyinka qaar oo howlo nafadeed ka socdaan.

by admin | Sunday, Apr 30, 2023 | 146 views

Waddooyinka waaweyn ee Magaalada Muqdisho qaarkood waxaa weli fadhiya xareedda ka dhalatay Roobkii Xoogganaa ee da’ay Jimcihii 28kii April 2023 ee sababay dhimashada, dhaawaca iyo burburka hanti.

Gaadiidka iyo Dadka lugeynaya (Cagahooda maalaya) ayaa ka wareeganaya waddooyinka qaar oo weli ay fadhiyaan biyaha roobka ka dhashay, waxaana ay dalbadeen in laga howlgalo si isu socodka waddooyinkaas dib u billowdo.

Wadayaasha Gaadiidka ayaa Dowladda Hoose waxa ay u jeediyeen in ay ka shaqeyso sidii loo qaadi lahaa biyaha xareedda ee fadhiya Waddooyinka muhiimka u ah isu socodkooda oo marka ay ka wareeganayaan saxmad gala.

Meelaha biyaha fadhiyaan waxaa kamid ah: Isgoyska Fagax, halka loo yaqaan Daallo oo ah inta u dhaxeysa Isgoysyada Baar Ubax & Balaagsii, agagaarka Isgoyska Tarabuunka gaar ahaan Dugsi sare Banaadir iyo meelo kale.

Maamulka Degmada Warta Nabadda ayaa dhanka kale ku dhaqaaqay howlo lagu qaadayo ciidda iyo qashinka roobka uu dhigay waddooyinka degmadaas si looga hortago dhibaatooyin socod iyo mid caafimaad oo ka dhalan kara.

Guddoomiyaha Degmada Warta Nabadda Saynab Xaabsey ayaa sheegtay in howlgalkaan ujeedkiisa uu yahay in la qaado qashinka iyo ciidda badan ee ku dhegeysa Gawaarida & Mootooyinka.

Dhanka kale waxaa cabsi ay ka jirtaa goobaha loogu talagalay in ay ku hooraan biyaha roobka gaar ahaan meelaha loo yaqaan waraha ay isugu tagaan biyuhu oo buux dhaafiyay sida warta Boondheere & tan Siigaale. Dadka deegaanka ayaa sheegay in haddii roob kale uu da’do in biyahaas ay karkaarada ku jabsan karaan maadaama haatan ay buuxsameen.

Like it? Share it!

Leave A Response