Doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka oo Maanta dhaceysa

by admin | Sunday, Nov 28, 2021 | 440 views

Waxaa lagu wadaa in Maanta Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay lagu qabto doorashada Afar kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo uu kujiro kursiga laga hor-istaagay in uu u tartamo guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Cismaan Jawaari.

Guddiga maamulka doorashada Koonfur galbeed SEIT ayaa ku adkeystay inay Maanta qabanayaan doorashada Afarta kursi xilli guddiga doorashooyinka Heer federaal ay dalbadeen in la hakiyo doorashada kursiga HOP-103 oo Afartii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyay Maxamed Cismaan Jawaari guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka.

Kuraasta doorashadooda Maanta Baydhabo lagu qabanayo ayaa waxaa ay kala yihiin, HOP189 oo uu horay ugu fadhiyay Sheekh Aadan Madoobe, HOP-103 oo Afartii sanobee la soo dhaafay ku fadhiyay guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Cismaan Jawaari, HOP041 oo uu ku fadhiyo hadda Idiris Cabdi Dhaqtar & kursiga HOP042 oo ay horay ugu fadhisay Hani Maxamed Aadan.

Shalay waxaa Magaalada Baydhabo ka qabsoomay doorashada Saddex kamid ah kuraasta Golaha Shacabka, waxaana sidoo kale la filayaa in Maalinta berito ah Magaalada Baydhabo lagu qabto kuraas kale oo ka tirsan Golaha Shacabka.

Like it? Share it!

Leave A Response