Doorashada kursiga HOP#086 oo la shaaciyay & qaar ka mid ah musharaxiinta kurisga oo ka horyimid.

by admin | Thursday, Feb 23, 2023 | 205 views

Guddiga KMG ee doorashooyinka kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyay jadwalka qabashada Kursiga tirsigiisu yahay HOP#086, kaas oo deegaan doorashadiisu tahay Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Guddiga oo soo saaray Jadwalka qabashada doorashada kursiga HOP#086 oo ka mid ah kuraasta ugu hadal heynta badneyd doorashadooda sanadkii tagay, ayaa u jaan gooyay in la qabto doorashada 25 February 2023 oo ku adan maalinta Sabtida ee soo socota.

23 February 2023 ayaa Guddiga KMG ee doorashooyinka kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayee u jaangooyeen in la diiwaan galiyo musharaxiinta ku baratameysa doorashada kursigaan.

Qaar ka mid ah musharaxiinta kursiga tirsigiigu yahay HOP#086 oo la hadlay Warbaahinta ayaa ku eedeeyay Guddiga KMG ee doorashooyinka kuraasta ka bannaan BFS, doorashada kuriga oo ahayd Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ay ka soo wareejiyeen, iyaga oo sheegay in doorashada kurisga laga dhigay Magaalada Muqdisho.

Kurisgiga HOP#086 ayaa ka mid ahaa kuraasta ugu hadal heynta badneyd sanadkii tagay, iyada oo doorashada kursigaan oo ka dhacday Beledweyne uu ku soo baxay Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin balse Natiijadiisa ay laaleyn Guddiga doorashooyinka heer Federaal.

Like it? Share it!

Leave A Response