Dowladda oo digniin u dirtay dadka ka Ganacsada maandooriyaha

by admin | Thursday, Dec 10, 2020 | 348 views

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr-Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa digniin culus u diray dadka ka ganacsada keenista maandooriyaha & kuwa la Ganacsada maandooriyahaas oo dhibaato ku haaya Bulshada.

Waxaa uu sheegay inay jiraan Ganacsato si dhuumaaleysi ah dalka kusoo geliya waxyaabaha maanka dooriya, iyaga oo ka raadinaya inay fa’iidooyin dhaqaale oo farabadan ka helaan.

Ugu dambeyn Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr-Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa uga digay dadka dalka keena waxyaabaha maanka dooriya, sidoo kalena uu sheegay in doomaha iyo qalabka lagu keeno lagala wareegi doono.

Waxyaabaha maanka dooriya oo isugu jira, Khamri Xashiish, Taabuu iyo waxyaabo kale oo uu jaadka ka mid yahay ayaa waxaa si aan baqdin ku jirin loogu iibiyaa Magaalada Muqdisho.

Like it? Share it!

Leave A Response