Dowladda oo sheegtay in dagaalka G/Hiiraan ku dileen Xubno Shabaab ah

by admin | Tuesday, Jun 1, 2021 | 290 views

Wararbdheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxsyaan dagaal culus oo Ciidamada dowladda iyo ka tirsan Ururka Al-Shabaab Maanta ku dhexmaray degaano u dhaxeeya degmooyinka Buulo Burde iyo Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Ciidanka Xoogga Dalka Somaaliyeed kusugan degmada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan ay weerar ku qadeen degaanka Ceelbacad, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culuso oo muddo saacado ah socday.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa u sheegay Idaacadda ku hadasha Afka Ciidamada Qalabka sida in dagaalka ay Ciidamada xoogga dalka ku dileen 25 dagaalame oo ka yirsan Al-Shabaab.

Sidoo kale Taliyaha waxaa uu sheegay in uu jiro khasaaro kale oo ay gaarsiiyeen Al-Shabaab, hsyeeehee ay wadaan tirakoob ku aadan, isla markaana dhawaan ay soo gudbin doonaan.

Wadada xiriirisa degmooyinka Buulo Burde iyo Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay weeraro kala duwan oonay Al-Shabaab la beegsadeen Ciidamada dowladda oo wadadaas ku socdaalayay.

Like it? Share it!

Leave A Response