Dowladda Somalia oo soo bandhigtay Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay

by admin | Sunday, Nov 28, 2021 | 582 views

Ciidamada Booliska Soomaaliya ee ka howlgalla degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa waxaa ay soo bandhigeen Saddex Xubnood oo ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab, balse isku soo dhiibay Ciidamada iyo Maamulka degmadaasi Waajid.

Saddexda Xubnood oo dhamaantood dhalinyaro ah ayaa lagu kala magacaabaa Cabdirisaaq Ibraahim Isaaq, Xasan Maxamed Suuboow iyo Cabdullaahi Ibraahim Goronyo, waxaana ay sheegeen in duruufo farabadan oo jira aawgood ay isaga soo baxeen Ururka Al-Shabaab oo ay ka tirsanaayeen.

Taliska Booliska degmada Waajid ayaa waxaa ay sheegeen in raggaan ay ka qeyb qaateen dagaalo ka kala dhacay, Awdheegle, Cumar Bariir, laanta Buure iyo degaano ka tirsan Gobolka Bakool ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa sheegay in dhalinyaradaan sababaha ay uga soo baxeen Al-Shabaab ay tahay inay dhibaatooyin farabadan ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay soo dhaweeynayaan cid kasta oo kasoo tageeysa.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in raggaan ay Gobolo kale uga soo Shaqeeyeen Al-Shabaab, balse markii dambe Gobolka Bakool loo keenay inay kordhiyaan Go’doonka ay Al-Shabaab ku hayaan degmooyinka Gobolkaas.

Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa ku kordhay degaannada Koonfur Galbeed Xubnaha ka tirsan Ururka Al-Shabaab ee isku soo dhiibaya Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed.

Like it? Share it!

Leave A Response