Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay qaraxyada kusoo batay Muqdisho

by admin | Thursday, Jan 21, 2021 | 319 views

Maalmihii la soo dhaafay waxaa Magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda ka dhacayay qaraxyada miinooyinka nooca dhulka lagu Aaso ah, waxaana ka hadashay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xundubeey Jimcaale ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku guuleysatay inay yaraadaan qaraxyada Gawaarida ay u adeegsanjireenAl-Shabaab, kuwaas oo intooda badan ka dhici jiray Muqdisho.

Wasiirka waxaa uu sheegay in taas bedelkeeda ay Al-Shabaab ku bedeleen miinooyinka dhulka lagu Aaso, kuwaas oo uu sheegay inay dhibaatooyin farabadan geysteen.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa ugu dambeyn ugu baaqay dadka ku nool Magaalada Muqdisho inay ka fogaadaan meelaha qashinka lagu shubo, sidoo kale ay iska hubiyaan in Albaabkooda hortiisa la dhigay qarax Miino oo waxyeelo u geysan kara.

Hadalka Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli laba Maalin ka hor qarax miino lagu dilay Guddoomiye kuxigeenkii Amniga degaanka Garasbaaleey iyo Guddoomiyihii dhalinyarada, sidoo kalena qarax loo dhigay Gaarigiisa uu shalay ka badbaaday Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid ee Gobolkan Banaadir.

Like it? Share it!

Leave A Response