Dowladda Soomaaliya oo meel kale u wareejisay Ciidamadii lagu qabtay dagaalkii Beled-Xaawo

by admin | Wednesday, Jan 27, 2021 | 311 views

Dagaalkii Maalin ka hor ka dhacay degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo oo dhex-maray Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ayaa waxaa la sheegay in lagu qabtay Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Jubbaland, kuwaas oo badankood Ciidanka dowladda isku dhiibay.
Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in dowladda Soomaaliya ay degmada doolow geeysay Ciidamadii lagu qabtay dagaalkii Beled-Xaawo, kuwaas oo aan hubeysneyn.

Goobjogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in gaadiidka waaweyn ee waaraadka loo yaqaano lagu daabulay ciidamada, isla markaana lagu xareeyay xero ciidan oo ku taal degaanka Buundo Garas ee Degmada Doolow.
Waarka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in ciidamadaas ay dhawaan booqan doonaan mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaas oo dhawaan tegaya Gobolka Gedo.
Dowladda Soomaaliya weli ma shaacin sida laga yeelayo Ciidamadaas dagaalka lagu qabtay, hayeeshee wararka la helayo ayaa sheegaya inay suurtagal tahay in dhawaan loo soo qaado Magaalada Muqdisho.
Xaalada degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa degan, kadib dagaalkii ka dhacay, waxaana khasaaraha ugu badan uu dagaalka kasoo gaaray dadka Shacabka ah ee ku nool degmadaas.

Like it? Share it!

Leave A Response