Duqa Muqdisho iyo dowladda Jarmalka oo ka wada hadlay horumarinta Caasimada

by admin | Monday, Dec 7, 2020 | 370 views

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kulan gaar ah la qaatay Safiir ku-xigeenka Safaarada Dowlada Jarmalka u fadhiya Soomaaliya Amb Sascha Andreas kienzle waxa ayna kawada hadleyn, Qorshaha uu maamulka Gobolka Banaadir ku hirgalin doono Xarun Dhalinyarada lagu Bari doono Xirfadaha kala duwan oo ay taageri doonto dowladda Jarmalka.

Waxa ay sidoo kale ka wada hadleyn arimo la xiriira taageerada dib u dhiska Caasimadda Jamhuuriyada Soomaaliya sida wadooyinka iyo Bulaacadaha oo ay Dowladda Jarmalka taagerayso dhawaan.

Ugu danbeyn duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Filish iyo Safiir ku-xigeenka Safaarada Dowlada Jarmalka u fadhiya Soomaaliya Amb Sascha Andreas kienzle ayaa ka wada hadlay arrimo la xiriira Amniga iyo Doorashooyinka Dalka.

Like it? Share it!

Leave A Response