Duqii magaalada Buulo-burde oo xilka laga qaaday duq cusubna loo magacaabay

by admin | Monday, Sep 10, 2018 | 949 views

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hirshabelle ayaa xil ka qaadis ku sameysay duqii degmada Buulo-burde iyadoo xilkaasi loo magacaabay mas’uul cusub.

Wareegto ka soo baxday Wasaaradda arrimaha gudaha Hirshabelle ayaa xilkii looga qaaday duqii degmada Buulo Burde Maxamed Axmed Rooble iyadoo xilkaas loo magacaabay Maxamed Fiidow Caale oo noqnaya duqa cusub ee Buulo-burde.

Wasaaradda ayaa dalbatay in lala shaqeeyo duqa cusub ee loo soo magacaabay degmada Buulo-burde.

Hay’adaha amniga ayaa dhammaan waxaa la faray iyo Madaxda degmada in ay la shaqeeyaan mas’uulka cusub ee loo magacaabay duqa degmada Buulo-burde.

Wasaarada Arrimaha Gudaha Hirshabelle ayaa hore waxa ay xilka ugaga qaaday guddoomiyihii degmada Jalalaqsi guddoomiye cusuba u magacawday.

Like it? Share it!

Leave A Response