Boooliska Kenya oo qabtay Maandooriyaha Xashiishka

by admin | Monday, Sep 10, 2018 | 903 views

Ciidamada Booliska Kenya ee ku sugan Magalada Xeebeedka Mombasa ayaa howlgal ay ka sameeyeen deegaanka Bondeni waxa ay ku qabteen maandooriyaha loo yaqaano Xashiishka

Saraakiisha booliska ayaa waxa ay sheegeen in maandooriyaha Xashiishka ay qabteen loo waday Magalada Gaarisa balse ay ka war heleen sidaasina ay ku qabteen.

Taliyaha ciidanka booliiska Magalada Mombasa Johnstone Ipara oo ku sugnaa goobtii lagu soo bandhigay xashiishka ayaa sheegay inay sidoo kale Gacanta ku dhigeen Wiil 21 jir ah oo doonayay inuu bas u saaro Magalada Gaarisa.

Waxa uu sidoo kale sheegay in xilliga la qabanayey Xashiishka lagu soo dhex qariyey Jawaano ay ku jireen  kabaj iyo basal balse baaritaan dheer kadib iyo shaki ka galay jawaanka lagu qabtay Xashiishka.

Like it? Share it!

Leave A Response