faafaahin: dilal ka dhacay magaalada baladweyne.

by admin | Thursday, Oct 5, 2023 | 99 views

Kooxo hubeysan ayaa Xalay Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ku Dilay ganacsade Xasan Xaaji Daahir oo Ka mid ahaa ganacastada sida weyn looga yaqiinay Magaalada Baladweyne.

Dableyda geysatay dilka marxuumka ayaa si deg deg ah uga baxsatay goobta ay ku dileen ninka ganacsadaha.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka loo geystay ganacsadaha oo ka dhacay xaafada Howlwadaag ee magaalada Baledweyne.

Marxuum Xasan Xaaji Daahir oo loo yaqiinay Xasan Nigeria ayaa mudooyinkii dambe dhismo dib u dayactir ah ka waday kaliga Waraaboole oo ka mid ah goobaha biya xireenada Baledweyne.

Dhinaca kale Kooxo hubeysan ayaa kudilay Magaalada Beledweyne gaar ahaan laanta Hiiraan Haweeneey lagu Magacaabi jiray Caasho Uunsile  oo kamid aheyd Haweenka Magaalada Beledweyne.

Waxaa sii xumaanaya maalmihii la soo dhaafay Amniga Magaalada Beledeyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, halkaas oo muddo 12 saac Gudahood ah ay ka dhaceen dilal loo geystay Dad Shacab ah.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka degmada Baledweyne oo ku aadan dilka loo geystay Allah u naxariistee ganacsade Xasan Nigeria.

Like it? Share it!

Leave A Response