faafaahin: Dil ka dhacay Magaalada Gaalkacyo

by admin | Tuesday, Feb 23, 2021 | 318 views

Maleeshiyaad hubeysan ayaa xaafada horumar ee magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug waxaa ay maanta ku dileen Nin la sheegay in uu ahaa Ganacsade, iyaga oo goobta ka baxsaday.

Ninka la dilay oo Magaciisa lagu soo koobay bidaar ayaa xilliga la dilayay waxaa uu ku sugnaa halka loo yaqaano buulo bacleey ee xaafada Horumar ee Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegen in dilka Ninka Ganacsadaha ahaa uu salka ku haayo aanooyin qabiil, gaar ahaan beelo dhowr jeer ku dagaalamay degaano ka tirsan Gobolka Mudug.

Ciidamo ka tirsan Booliska Galmudug ee Magaalada Gaalkacyo ayaa tegay halka dilka uu ka dhacay wallow ay baxsadeen dadkii ka dambeeyay dilkaas, waxaana meydka goobta ka qaaday ehellada Ninka la dilay.

Dilalka la xirira aanooyinka qabiil ayaa sanadihii la soo dhaafay waxaa ay aad ugu soo kordheen degaannada Galmudug, iyada oo Madaxda Galmudug ay ka gaabiyeen inay wax ka qabtaan dilalkaas.

Like it? Share it!

Leave A Response