DEG DEG:- Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho

by admin | Tuesday, Feb 23, 2021 | 267 views

Qaraxa oo aad u xooganaa ayaa jugtiisa waxaa laga maqlay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir, waxaana la sheegay in uu ka dhacay degmada Xamarweyne ee Magaalada muqdisho.

Qaraxa ayaa Warar kala duwan ay kasoo baxayaan, waxaana wararka sheegayaan in uu ahaa ruux isku soo xiray waxyaabaha qarxa, balse Ciidamadda Ammaanka ay ceeyrsadeen, isaga oo iska tuuray Jaakadii qaraxa ku xirnaa, taasoo ku qaraxday inta u dhaxaysa Mogadisho Mall iyo Saldhiga Xamarwayne.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Booliska degmada Xamarweyne ay qabteen ninki watay Jaakada qaraxa, balse iska tuuray, xilli uu isku dayayay in uu Goobta ka baxsado.

Khasaaro kala duwan ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhashay qaraxa, waxaana goobta gaaray Ciidamo ka tirsan dowladda, kuwaas oo xiray halka uu ka dhacay qaraxa.

Like it? Share it!

Leave A Response