Jubbaland oo faah faahisay shuruudaha ay ku xireen ka qeyb-galka Shirka Muqdisho

by admin | Tuesday, Feb 23, 2021 | 314 views

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa faah faahin Guud ka biixiyay sababaha aysan u aqbalin baaqii Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ugu yeeray shir looga tashanayo doorashada Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Jubbaland Cabdi Xuseen Maxamed ayaa sheegay in shaqaaqoyinkii ka dhacay magaalada Muqdisho 19-kii bishaan darteed aan Muqdisho lagu qaban karin shir looga hadlayo doorashooyinka.

Waxaa uu sheegay in muhiim ay tahay in shirka lagu qabto meel amni ah oo la isku haleyn karo, isla markaana loo baahan yahay damaanad qaad dhanka Amniga, waxaana uu dalbaday in lagu qabto Xerada Xalane oo ay degan yihiin Wakiilada Beesha Caalamka.
Jubbaland & Puntland ayaa mowqif mideysan ka qaataan in aysan ka qeyb-gelin shirka wadatashiga doorashooyinka ee Muqdisho ilaa la helo damaanad qaad la xiriira dhinacyada amniga iyo in la fulin doono qodobada lagu heshiiyo oo ah in la helo Gacan Saddexaad oo Beesha Caalamka ah.

Like it? Share it!

Leave A Response