Faafaahin:Al-Shabaab oo dagaal kula wareegay Mahadaay

by admin | Tuesday, Mar 16, 2021 | 301 views

Wararka aan ka heleyno gobolka Shabeellada Dhexe waxay sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay dagaal kula wareegeen degmada Mahadaay oo qiyaastii 23-KM u jirta magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabeelle.
Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa dhowr jiho kasoo weeraray Mahadaay, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo dhex maray Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya oo sanadihii lasoo dhaafay fariisimo ku kalaa gudaha magaaladaas.
Al-Shabaab waxaa u suurta gashay inay dagaal kula wareegaan degmada, sida ay noo xaqiijiyeen goobjoogayaal ku sugan Mahadaay oo u waramay warbaahinta , waxayna ciidamadii dowladda ee magaalada laga saaray u baxeen dhanka saldhigga ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin Warshaddii hore ee hubka oo ku taalla duleedka degmada Mahadaay.
Wararkii u dambeeyey ee aan ka heleyno degmada Mahadaay waxay sheegayaan in ay ciidamada dowladda Soomaaliya weerar rogaal celis ah ku soo qaadeen magaalada, isla markaana uu halkaas ka dhacay dagaal kale oo ay kula wareegeen magaalada.

Dad ku sugan Mahadaay ayaa noo sheegay inay ciidamada dowladdu dib ula wareegeen gacan ku heynta magaalada, isla markaana ay hadda ku howlan yihiin qarxinta miinooyin ay Al-Shabaab ku xireen fariinsinkoodii ay ka qabsadeen maanta.
Dhanka kale warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa baahisay in kooxdu ay la wareegtay Mahadaay, isla markaana hadda iyagu maamulayaan.

Like it? Share it!

Leave A Response