Faafaahin:Dad loo qabtey Taliye lagu diley Magaalada laas-Caanood

by admin | Tuesday, Mar 17, 2020 | 502 views

Rag hubeysan ayaa Dhanka Koonfureed ee Magaalada laas-caanood ee Xarunta Gobolka Sool waxaa ay ku dileen Taliyihii Ciidamada Sirdoonka Soomaaliland ee gobolka Sool Cabdiqani Guhaad ,kuwaas oo dilka kadib Goobta ka baxsadey.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in xilliga la dilayey Taliyaha uu kasoo baxay Salaadii Cisha,isla markaana uu ku sugnaa Gurigiisa hortiisa,waxaana Booliska Magaaladaas ay sheegeen in dilka taliyaha dad loo qabtey.

Taliyaha Booliska Gobolka Sool ee Soomaaliland Axmed Cabdullaahi Cabdi ayaa sheegay in kadib dilka Taliyaha howlgal ay sameeyeen Ciidamada Booliska Magaalada laas-Caanood ay tiro dad ah u soo qabteen dilkaas.

Waxaa uu sheegay Taliyaha in ilaa iyo Saddex Ruux oo lagu tuhmayo dilkaas ay Gacanta ku haayaan,isla markaana ay ku wareejin doonaan Hay’adaha Garsoorka Soomaaliland si baaritaano dheeraad ah loogu sameeyo.

Si kastaba Dhawaan ayay aheyd markii qarax Gaarigiisa loogu xirey lagu diley Magaalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool Guddoomiyihii Maxkamadda Gobolka Sool Xasan Sheekh Maxamuud,waxaana la sheegay in amniga magaaladaas uu araha ka baxay bilihii ugu dambeeyey.

Like it? Share it!

Leave A Response