Faahfaahin Qarax ka dhacay Muqdisho

by admin | Saturday, Nov 6, 2021 | 306 views

Inta la xaqiijiyay labo qof oo rayida ayaa ku dhintay, mid kalena wuu ku dhaawacmay qarax goor dhow ka dhacay wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye gaar ahaan deegaanka Garasbaaley.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa la sheegay in uu dhacay ka dib markii uu gudbay gaari ay saarnaayeen ciidanka dowladda, waxaana uu qabsaday mooto ay saarnaayeen dad shacab ah.

Labada ruux ee qaraxa ku dhimatay ayaa la sheegay in ay kusoo jeedeen degmada Afgooye, waxaana mid ka mid ah uu ahaa macalin.

Ciidanka booliska ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka sameeyay howlgallo, sidoo kalena waxay isbitaal ula carareen dadkii dhaawacmay.

Like it? Share it!

Leave A Response