Farmaajo oo ku dhawaaqay in howlaha doorashooyinka & Amniga uu ku wareejinayo Rooble

by admin | Saturday, May 1, 2021 | 334 views

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta khudbad u jeediyay Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaa uu sheegay in howlaha doorashooyinka iyo Amniga uu uga dambeyn doono Ra’iisul Wasaare Rooble.

Farmaajo oo khudbadiisa dhinacyo badan taabaneysay ayaa waxaa uu sheegay in sharcigii doorashooyinka oo ee doorashada qof iyo cod ay Golaha Shacabka ansixiyeen ay horay u diideen dad kasoo horjeeda in awooda dib loogu soo celiyo shacabka Soomaliyeed.

Sidoo kale Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa uu sheegay in 12-kii Bishii April ay golaha Shacabka ansixiyeen Sharciga jiheynta dorashooyinka,balse ay kasoo horjeesteen dad ay kamid yihiin Dowlad Goboleedyada, sidoo kalena dalka xasarad uu ka abuuray.

“ Waxaa is weeydin mudan yaa dadka kiciyay, yaa kasoo horjeestay sharciga jiheynta doorashooyinka, yaa dhaqaalo ku bixiyay in Ciidamada la kiciyo, aniga ma doonayo in dadka Soomaaliyeed ee ku nool Muqdisho ay dhagahooda maqlaan rasaas waayo Magaaladaan waa Magaaladeeydi oo an ku dhashay ayuu yiri’ Farm aajo.

Sidoo kale waxaa uu ahdalkiisa uu intaasi ku daray in uusan dooneyn in dhiig uu ku daato arrimaha doorashooyinka, waxaana uu Golaha Shacabka ka codsaday in dib loogu noqdo heshiiskii doorashada ee 17-kii September.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in xilligaan wixii ka dambeeyay in Arrimaha doorashooyinka & Amniga dalka uu uga dambeyn doono Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Like it? Share it!

Leave A Response