Gabar 13 Jir ah oo La Kufsaday .

by admin | Wednesday, Sep 20, 2023 | 141 views

Waxaa isbitaalka guud ee degmada Balanballe hadda lagu dabiibayaa gabar qabalaha Ariqaruuf loogu gaystay kufsi wadareed ayna gaysteen sida la sheegay ciidanka liyuu police ee dawlad deeganka soomaalida.

Gabadhaan oo ahayd gabar yar oo ku jirta da’da 13 jirka ayaa la kufsada shalay subax galinkii hore waxaana shala Rati looga soo qaada goobtii kufsiga loogu gaystay, waxaana xala saqdhexe gaari looga horgeeya aag dhexe ayada oo la keenay isbitaalka guud ee degmada Balanballe.

Qaar ka mid aha shaqaalaha oo aan la xariiray ayaa ii xaqiijiyay in ay gabadha xaaladeedu aad u darantahay sidoo kalena waxay ii xaqiijiyeen in la waayay dawooyinka loogu tala galay gabdhaha la kufsaday oo ay kamid yihiin dawooyinka looga hortago xanuunada galmada lagu kala qaado.

Like it? Share it!

Leave A Response