Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Gobolka Benaadir oo billaabaya lacag Aruursi dheeri ah isaga oo maareyn la’ Nadaafadda Jidadka caasimadda!

by admin | Sunday, Sep 13, 2020 | 395 views

Kulan lagu sheegay mid aan caadi ahayn ayaa hadlayay qaadista canshuurta Guryaha ku yaalla Caasimadda oo dhexmaray mas’uuliyiin katirsan Gobolka Banaadir ayaa lagu go’aamiyay in la dardar geliyo qaadista lacagahaas.

Waxyaabaha lagu qabanayo canshuurta ayuu maamulka Gobolka Banaadir ku sheegay saddex qaybood oo ah: Waxbarashada Ardayda, Caafimaadka iyo Dhismaha waddooyinka Magaalada Muqdisho.

 

Kulanka waxaa shir Guddoomiyay Guddoomiye Ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Axmed Xasan Iimaan, waxaana lagu go’aamiyay in madax iyo shacab si siman guryahooda looga qaado canshuurta ku waajibtay.

Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir oo kulanka kadib warbaahinta la hadlay waxa uu sheegay in bixinta lacagtaan ay qayb ka qaadaneyso wax ka qabashada dhibaatooyinka dhanka Waxbarashada oo dhawaan Gobolka lagu wareejiyay, Caafimaadka & dib u dhiska Caasimadda.

Image may contain: 1 person, sitting

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa cod dheer ku gaarsiiyay mas’uuliyiinta ka dhega-adeegta bixinta canshuurta guryaha ay degen yihiin, maadaama uu maamulka qorsheeyay in dib shacabka loogu celiyo.

Waala soo bandhigayaa dadka diiday, iyada oo lagu lifaaqayo ganaaxyo ay ku dhaqaaqayaan ciidanka ilaalada deegaanka oo mas’uul ka ah soo uruurinta canshuurta, qaadista iyo ku wareejinta Dowladda hoose sida uu sheegay Afhayeenka Gobolka Banaadir.

Degmooyinka Gobolka Banaadir waxaa bilooyinkii lasoo dhaafay laga qaadayay lacago Canshuur ah, waxaana mas’uuliyiinta guryaha loo geeyaa warqado kasoo baxay maamulada Degmooyinka.

 

Like it? Share it!

Leave A Response