Guddiga Adeegga Xajka oo soosaaray Shirkadaha ku guuleystay u adeegista Xujeyda Soomaaliyeed 1444/2023.

by admin | Friday, Mar 31, 2023 | 123 views

Guddiga u xilsaaray kala saarista Shirkadaha u tartamay u adeegista Xujeyda Soomaaliyeed 1444 Hijriya/2023 ayaa soosaaray Shirkadaha ku guuleystay u tartamidda adeegga ay u baahan yihiin Xujeyda ee sanadkaan.

Xubnaha Guddiga oo Warbaahinta la hadlay ayaa iska fogeeyay eedaha ay u jeediyeen dhinacyada kala duwan ee qaarkood xilalka ka haya laamaha fulinta & Xeer dejinta Dowladda Federaalka, waxa uu isku sifeeyay in uu shaqadaas u qabtay si caddaalad ah.

Guddiga ayaa sheegay in Shirkadaha guuldareystay ay ku kala hareysan dhinacyada adeegga, wareysiyada & meelaha kale su’aalaha laga weydiinayay si baahida Bulshadu ay qabto looga arko doorka ay shirkaddu ku biixin karto.

Qiimaha Xujeyda Soomaaliyeed ee 1444/2023 ayuu Guddigaan sheegay in uu soosaarayo dhowaan si meesha looga saaro cabashooyinka kasoo laabtay, halka Shirkadaha loo kala saaray derajooyin kala sarreeya marka lagu qiimeeyay natiijada Imtixaanka la hor dhigay.

Like it? Share it!

Leave A Response