Guddiga FIET oo shaaciyay in dib loogu laabanayo doorashada kuraas uu kamid yahay midkii loo doortay Fahad Yaasiin

by admin | Wednesday, Apr 6, 2022 | 379 views

Guddiga Hirgelinta doorashooyinka Heer Federal ayaa waxaa uu go’aamiyey in dib loogu noqdo doorashada dhammaan Afartii kursi ee horay u hakiyeen doorashadooda, kuwaas oo khilaaf uu ka taagnaa.

Kuraasta la hakiyay ee doorashadooda dib loogu laabanayo ayaa waxaa ay ka kala imaanayaan Maamulada Koonfur Galbeed iyo hir-Shabeelle, waxaana ay kala yihiin.

1:  Hop#154 oo uu horay ugu fadhisay markalena loo doortay Sareedo Maxamed Cabdalla.

2: Hop#103 oo uu horay ugu fadhiyay Guddoomiyihii hore  ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari , balse Magaalada Baydhabo loogu doortay Wasiirka howlaha guud dib-u-dhiska iyo guryeynta Koonfur Galbeed Maxamed Cali Xasan.

3: Hop#204 oo uu horay ugu fadhiyay Macalin Cali Aadan ayaa waxaa Magaalada Baydhabo loogu doortay Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Isaaq Cali Subag

4: Hop#086 oo uu ku fadhiyay dhowrkii sano ee la soo dhaafay faarax Sheekh Cabduqaadir, waxaana doorashadiisa oo ka dhacday Magaalada Beledweyne kusoo baxay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir Agaasimihii hore ee NISA ahna la-taliyaha Amniga Qaranka Farmaajo.

War kasoo baxay Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ayaa waxaa lagu sheegay in si loo saxo habraacii qaldamay. Iyadoo la tixraacayo habraacii doorashadii 2016kii uu guddigu dib ka soo sheegi doono qabashada doorashada kuraastan, goorta iyo goobta lagu qaban doono.

Like it? Share it!

Leave A Response