Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo dib ugu soo laabtay dalka

by admin | Sunday, Jul 11, 2021 | 341 views

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar uu ugu maqnaa dalka Turkiga.

Guddoomiye Mursal ayaa waxaa garoonka diyaaradda ee Muqdisho kusoo dhaweeyay, wasiiro iyo Xildbibaano ka tirsan Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha oo hadlay ayaa uga mahad celiyay Xubnaha labada Gole sida ay u soo dhaweeyeen, hayeeshee uusan wax faah faahin ah kama bixjn safarkii uu dalka uga maqnaa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa dhowrkii Bilood ee la soo dhaafay ka maqnaa saaxada siyaasada.

Like it? Share it!

Leave A Response