Guddoomiye Aadan Madoobe oo Saraakiisha CXD kala hadlay dagaalka ka dhanka ah ‘AS’.

by admin | Tuesday, Dec 13, 2022 | 164 views

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ahna Ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Degmada Xuddur kula kulmay Saraakiil katirsan qaybta 60aad guutada 9aad ee XDS.

Ku simaha Madaxweynaha Waxa uu saraakiishaan kala hadlay u diyaargarowga howlgallo ka dhan ah ‘AS’ si ay go’doonka uga qaadaan deegaannada isu socodkooda go’ay sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan DG Koofur Galbeed.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa saraakiisha uu la kulmay ku dhiirrageliyay in ay mas’uuliyad iska saaraan sugidda amniga, in ay gacanta ku dhigaan deegaannada ay ku sugan yihiin dagaalamayaasha ‘AS’ & in ay isu furaan waddooyinka isu socodkoodu joogsaday.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa kulan la qaatay Saraakiisha Ciidamada Booliiska oo ay kawada hadleen qorshaha lagu sugayo nabadgalyada Xuddur iyo deegaannada kale gacantooda soo gala.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda ayaa 19kii November 2022 ku dhawaaqay shir dib u heshiisiin ah oo dhinacyad kala aragtida duwan ee DG Koofur Galbeed la isugu keenayo si xal loogu helo waxyaabaha ay kala tirsanayaan.

Ku simaha Madaxweynaha JFS ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta lagu wadaa in uu la kulmo maamulka Gobolka Bakool, kan Degmada Xuddur & Saraakiisha ATMIS.

Like it? Share it!

Leave A Response