Guddoomiyihii deegaanka Goof-Gaduud Buureey oo la dilay

by admin | Thursday, Mar 19, 2020 | 572 views

Rag hubeysnaa ayaa xalay waxaa ay weerar ku qaadeen goob uu ku sugnaa Guddoomiyihii deegaanka Goof-gaduud Buureey ee gobolka Baay,iyaga oo dhaawac culus u geystay Guddoomiyihi degaankaas.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayan in Guddoomiyaha oo lagu Magacaabi jirey Xasan Mayow Isaaq dhaawacisisa oo aad u cuslaa la keenay Isbitaalka Magaalada Baydhabo,hayeeshee uu dhaawacii u geeriyoodey.

Ragga hubeysnaa ee weerarka ku diley Guddoomiyihii deegaanka Goof-Gaduud Buureey ayaa goobta ka baxsadey,waxaana la sheegay in xalay guaha deegaankaas laga fuliyey howlgallo lagu baadi goobayay dadkii ka dambeeyey weerarkaas.

Mas’uuliyiinta Maamulka koonur Galbeed weli kama hadlin weerarka lagu diley guddoomiyihii degaanka Goof-Gaduud Buureey Xasan Mayow Isaaq ,kaas oo ka dhacay isla deegaankaas.

Hayeeshee Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka lagu diley guddoomiyihii deegaanka Goof-Gaduud Buurey,iyaga oo sheegay in weerarkaas uu ahaa mid horay loo qorsheeyey.

Like it? Share it!

Leave A Response